Sheekh Shariif oo ka qeyb galay Shir caalami ah oo ka dhacay dalka Azerbaijan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka Azerbaijan kaga qeybgalay shir caalami ah oo dirradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ilaalinta Xeerarka lagu heshiiyay ee nidaamka dowladnimada.

“Intii ay socdeen doodaha laga jeediyey madashaan caalamiga ah ayaa waxaan si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah wali ku hayaan nidaamka dowliga ah” ayuu yiri MW Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan kaloo diirrada saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Shariif.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxdii ka qaybgashay Madashaan caalamiga ah waxaana kamid ahaa Madaxwaynaha Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles