Friday, November 7, 2025

Aadan Madoobe oo Xildhibaan Abiib ku eedeeyay inuu lumiyay xubinnimada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinadii Golaha Shacabka ee BFS, waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loosoo buuxiyo booskiisa.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo  ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop021 uu lumiyay xubanimadiisa, kaddib markii in ka badan labo kalfadhi uu iska maqnaa isaga oon wax cusur daar ah keynniin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201, uu lumiyay xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo kasoo jeeda gobolada waqooyi.

Xildhibaankan laga qaaday xasaannada sidoo kale lumiyay in Golaha Shacabka kasii mid ahaado , ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Xasan Sheekh, waxa uuna marar badan qoraalo ka dhan ah dowladda u diray hay’addo iyo dalal taageera dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Abiib, oo kasoo jeeda Goballada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u diidan hab maamulka madaxda dowladda ee dalka, waxa uuna si joogta ah uga qoraa warbixinno lala wadaago hay’ado iyo dowlado ajnabi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles