Tuesday, June 23, 2026

Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baay Burjeed, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu weli ka socdo halkaasi kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Koofur Galbeed.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka deegaanka ayaa sheegay in la isku adeegsanayo hub culus iyo mid fudud, iyadoo la maqlayo jugta madaafiic iyo rasaas goos-goos ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, waxaana la sheegay in uu socdo weli, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii April 17-keedii ay kooxda Al-Shabaab sidan oo kale weerar ugu qaadday isla fariisinkan, balse markaas laga hortagay gulufkoodii.

Ciidamada Dowladda ayaa haatan la sheegay inay iska caabin xooggan ku wadaan weerarka, iyadoo xaaladda ay weli tahay mid cakiran.

WARARKII KALE

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

Shir looga hadlay amniga oo ka dhacay Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Trump oo eedeyn u jeediyay Keir Starmer

Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles