Thursday, September 18, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo xooggan ula hadlay dadka Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada ajnabiga ah, kuwaas oo diidan qaadashada nidaamka dal-ku-galka “E-Visa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo wato baasaboorka ajnabiga ah uu qasab ku yahay inuu aqbalo E-Visa, isagoo xusay in khilaafaadka federaalka lagu xalinayo wada hadal, lana adeegsanayo xeerar iyo sharci, halkii dagaal iyo madaafiic lagu xallin lahaa.

“Waa dambi in qof aan wadan kaarka aqoonsiga uu adeeg ka helo shirkad taleefon, bangi ama wasaarad. Soomaaliga wuxuu soomaali ku yahay Aqoonsiga Kaarka Soomaaliga,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee haysta dadka Soomaaliyeed ay tahay siyaasadda qofeysan, isla markaana aan cid gaar ah lagu afduubinayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in mashaariic waaweyn oo horumarineed ay ka socdaan magaalooyinka dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha xukuumadda 3 sano ee la soo dhaafay.

“Yaan nagala leexinin waddada aan ku socono ee doorashada qof iyo codka ah. Waxaan ku soconnaa jidkaas, waxaana gaabinayna talaabooyinka lagama maarmaanka ah si horumar loo gaaro,” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

WARARKII KALE

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay...

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles