Wednesday, July 9, 2025

Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baay Burjeed, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu weli ka socdo halkaasi kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Koofur Galbeed.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka deegaanka ayaa sheegay in la isku adeegsanayo hub culus iyo mid fudud, iyadoo la maqlayo jugta madaafiic iyo rasaas goos-goos ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, waxaana la sheegay in uu socdo weli, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii April 17-keedii ay kooxda Al-Shabaab sidan oo kale weerar ugu qaadday isla fariisinkan, balse markaas laga hortagay gulufkoodii.

Ciidamada Dowladda ayaa haatan la sheegay inay iska caabin xooggan ku wadaan weerarka, iyadoo xaaladda ay weli tahay mid cakiran.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles