Tuesday, August 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo xooggan ula hadlay dadka Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada ajnabiga ah, kuwaas oo diidan qaadashada nidaamka dal-ku-galka “E-Visa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo wato baasaboorka ajnabiga ah uu qasab ku yahay inuu aqbalo E-Visa, isagoo xusay in khilaafaadka federaalka lagu xalinayo wada hadal, lana adeegsanayo xeerar iyo sharci, halkii dagaal iyo madaafiic lagu xallin lahaa.

“Waa dambi in qof aan wadan kaarka aqoonsiga uu adeeg ka helo shirkad taleefon, bangi ama wasaarad. Soomaaliga wuxuu soomaali ku yahay Aqoonsiga Kaarka Soomaaliga,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee haysta dadka Soomaaliyeed ay tahay siyaasadda qofeysan, isla markaana aan cid gaar ah lagu afduubinayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in mashaariic waaweyn oo horumarineed ay ka socdaan magaalooyinka dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha xukuumadda 3 sano ee la soo dhaafay.

“Yaan nagala leexinin waddada aan ku socono ee doorashada qof iyo codka ah. Waxaan ku soconnaa jidkaas, waxaana gaabinayna talaabooyinka lagama maarmaanka ah si horumar loo gaaro,” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles