Monday, February 16, 2026

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo xalay lagu dilay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay lagu dilay dagaalameyaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Goobo ee Hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan DF iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaasi oo la sheegay in ay tageen deegaanka Goobo, islamarkaana ay weerareen goob ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Inta la ogyahay 3 xubnood ayaa la xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay, halka seddex qori laga soo qaateen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa ka soo baxay deegaanka, iyagoona ku laabtay deegaanada ay horey igu imaadeen.

Gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar waxaa ka dhacay howlgalo qorsheysan oo ay fuliyaan ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaasi oo beegsada xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles