Ciidamada Amniga degmada Dhoobley ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Jeelle Maxamed Cusmaan, kaasi oo lagu eedeeyay inuu fal arxan-darro ah u geystay laba wiil oo 14 sano jir ah.
Jeelle Maxamed Cusmaan ayaa la sheegay inuu toorey ku weeraray labada wiil xilli ay kasoo soo baxeen dugsiga Qur’aanka.
Mid ka mid ah wiilasha ayaa ku geeriyooday, halka kan kalena uu dhaawac culus ka soo gaaray.
Dhaawaca ayaa lagu daawaynayaa isbitaalka degmada Dhoobley.
Laamaha Amniga ayaa muddo ku raad joogay eedaysanaha, ugu dambeynna ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan, iyadoo hadda socda baaritaan dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo sababaha ka dambeeyay falka naxdinta leh.
Masuuliyiinta booliiska ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka noocan oo kale ah, isla markaana sharciga lagu hanto dadka dambiyada ka gala deegaanka.


