Tuesday, November 18, 2025

UK oo ku hanjabtay mamnuucida fiisaha ee seddex wadan oo Afrikaan ah

Wasaaradda arrimaha gudaha ee UK ayaa sheegtay in fiisaha Angola, Namibia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo aan la siin doonin haddii dowladahooda aysan kordhin wadashaqeynta isku dayga UK ay ku dooneyso inay ku masaafuriso muwaadiniintooda.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in mamnuucida fiisaha la soo rogi doono “ilaa ay aqbalaan soo celinta dambiilayaasha iyo soogalootiga sharci darrada ah”, iyada oo sheegtay in khatarta ciqaabta ay tahay sababta “wadashaqeyn hoose oo aan la aqbali karin iyo hababka dib u soo celinta”.

“Kumanaan muhaajiriin sharci-darro ah iyo dambiilayaal ka socda dalalkan ayaa hadda ku sugan UK”, ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay soo bandhigi doonto tillaabooyinkan haddii aan horumar la sameynin “bilaha soo socda”.

Waxay sheegtay in tillaabooyinka la midka ah ee ka dhanka ah waddamada kale ay sidoo kale tixgelinayaan. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood ayaa tiri:

“Fariinta aan u dirayo dowladaha shisheeye maanta waa caddahay: aqbal soo celinta muwaadiniintaada ama aad lumiso mudnaantii aad ku soo geli lahayd dalkeenna.”

WARARKII KALE

Trump oo u mahadceliyay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa uga mahadceliyay hogaamiyayaasha caalamka...

Xamaas oo diidday qorshaha Trump ee Qasa

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga...

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles