Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo ka hadlay xiisadda ka taagan gobolka Tigree ee dalka Itoobiya

Xukuumada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay ku eedaysay mid ka mid ah garabyada kooxda TPLF in uu xiriir iyo wada shaqayn la leeyahay ciidamo shisheeye.

Wasiirka arrimaha dibadda Gideon Timothy ayaa hadalkan ka sheegay  isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa mar uu dublamaasiyiinta xaaladda gobolka uga warramayay madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, Ato Getachew Reda.

Markii uu wasiirku eedaymahaas iyo kuwo kaleba u jeediyay dhinac ka tirsan kooxda TPLF, ma uusan carabaabin magaca quwada shisheeye ee ay garabkan xiriirka la leeyihiin.

Iyadoo bilihii ugu danbeeyay uu sii xoogaysanayay khilaafka udhaxeeya hogaanka kooxda TPLF ayaa waxaa marar badan lagu eedeeyay kooxda TPLF ee uu hogaamiyo gudoomiyaha ururka inay xiriir laleeyihiin wadanka Eritrea.

Sida la og yahay Getachew Redam, ayaa qoraal uu hore u soo saaray ku eedeeyay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha militariga iyo siyaasada TPLF inay xiriir la leeyihiin Eritrea.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ay hogaamiso Debre Sion ayaa marar badan iska fogeysay eedeymaha loo haysto.

Warsaxaafadeed ay siisay diblumaasiyiin fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ayay xukuumadda Itoobiya ku eedaysay mid ka mid ah garabyada kooxda TPLF in uu isku dayay in uu colaad ka huriyo marka laga soo tago in uu xiriir la sameeyay quwado shisheeye.

Wasiirka arimaha dibada Gideon Timothy ayaa sheegay in dawladiisu ay si dhaw ula socoto xaalada ka taagan gobolka Tigray, wuxuuna intaa ku daray in mid ka mid ah kooxda TPLF ay isku dayayaan in ay afgambiyaan xukuumada ku meel gaarka ah iyagoo adeegsanaya awood cad.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda dhexe ay si rasmi ah uga hadasho xiisadaha ka aloosan gobolka Tigrayga tan iyo markii la xiisaddo bilaabatay.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda u dhaxeysa madaxda Isbaheysiga Tigreega ee TPLF, taasoo gaartay heer ay la wareegaan xarumaha maamulka, iyadoo la adeegsanayo hub.

Kooxda TPLF ee uu hogaamiyo Dr. Debretsion Gebre Michael ayaa bilaabay in ay xilalka ka qaadaan masuuliyiinta maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka ayna soo magacaabaan masuuliyiin u gaar ah.

Xigasho;-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles