Thursday, June 18, 2026

Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab badan ku dilay dagaal ka dhacay Shabeelada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka ayaa jab culus Al-shabaab ku gaarsiiyay deegaanno dhaca Gobalka Shabellaha Dhexe

Ciidamada  ayaa weerar ku qaaday goobo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay gabaad ka dhiganayeen aagga Deegaanka laba Garas ee Gobalka Shabellaha

Ciidamada ayaa Dagaalka ku dilay maleeshoyaad iyo hormonal audio  kale, geesiyada Xoogga Dalka iyo saw u dirirka Deegaanka ayaa burburiyay guud ahaan goobihii gabaadka ey ka dhiganayeen Khawaariijta ee Deegaanka laba Garas.

Dhanka kale Geesiyada CXDS iyo saw dirirka Deegaanka ayaa Deegaanka Sumadaale Kaga hortagay Xubno ka tirsan Khawaariijta oo Damacsanaa dhibaateynta Shacabka

Ciidamada ayaa burburiyay Gaari Walxalaha Qarxa ey Argagixisada ka so buuxiyeen kaa oo ey doonayen iney Shacabka ku dhibaateeyaan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa tilmaamay in Khawaariijta jab culus la gaarsiiyay ciidamada ay ka hortageen dhammaan damacyadii gurracnaa Argagixisada ee ku aaddanaa dhibaateynta Shacabka

Deegaanka Sumadaale ilaa aaga Bur Shiikh ayay Ciidamada xiligaan ka wadaan howlgal culus oo la doonayo in la soo qabto xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles