Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay diidmada iyo dhaleeceynta uu la kulmay nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah ee eVisa, isagoo sheegay in barnaamijka lagu qaaday olole aan xaqiiqo ku dhisnayn.
Dhuxulow ayaa tilmaamay in eVisa uu yahay nidaam muhiim u ah mideynta iyo isku haynta dalka, islamarkaana uu fududeeyay adeegyada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in isagoo taageero filayay uu halkii ka helay eedeymo aan sal lahayn.
“Maanta waxaan sugayey taageero, maadaama eVisa uu isu soo dhoweeyey Soomaalida uuna howl-bowle u yahay isku haynta dalka. Ma sugayn in barnaamijka la duro. eVisa waxaa laga fidiyey been-abuur, waana la soconaa dadka ka dambeeya. Ma aqbalayno in barnaamijyada qaranka lafdhabarta u ah la weeraro,” ayuu yiri Agaasimaha.
Dhuxulow ma uusan bixin wax jawaab ah oo ku saabsan su’aasha ku saabsan in la jabsaday nidaamka iyo xog la faafiyay, taas oo ahayd su’aasha ugu badan ee bulshada laga sugayay.
Wararku waxay muujinayaan in Hey’addu ay dhawaan soo bandhigi doonto faahfaahin dheeri ah oo la xiriirta amniga nidaamka eVisa.


