Saturday, April 18, 2026

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa sheegay in gorgortanka socda ee u dhaxeeya Israel iyo Suuriya si loo gaaro heshiis amni ay soo saari karaan natiijooyin “maalmaha soo socda.”

Wuxuu u sheegay warfidiyeenada magaalada Dimishiq in heshiiska amnigu yahay “lagama maarmaan,” iyadoo shardi laga dhigayo in la ixtiraamo hawada Suuriya iyo madax banaanideeda dhuleed, isla markaana ay kormeerto Qaramada Midoobay, si waafaqsan sharciga.

Al-Sharaa wuxuu sheegay in Suuriya iyo Israel ay “afar ilaa shan maalmood” ay wadeen wadahadallo si ay gaaraan saldhigga heshiis amni bishii Juulay, laakiin dhacdooyinkiii ka dhacay gobolka koonfureed ee Sweida ayaa carqaladeeyay wadahadaladaas.

Suuriya iyo Israel ayaa hadda wada hadallo ku jira si ay u gaaraan heshiis ay Dimishiq ka rajaynayso inuu xaqiijiyo joojinta duqeymaha cirka ee Israel iyo ka bixitaanka ciidamada Israel ee dhulka koonfurta Suuriya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay Madasha Diblumaasiyadda Antaalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...

Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal kamid...

DFS oo ku hanjabtay inay xayiraad ku soo rogi doonto Marinka Bab-el-Mandeb

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cabdullaahi...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag u cambaareeyay safiir Israel u magacowday Somaliland

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles