Thursday, September 18, 2025

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa sheegay in gorgortanka socda ee u dhaxeeya Israel iyo Suuriya si loo gaaro heshiis amni ay soo saari karaan natiijooyin “maalmaha soo socda.”

Wuxuu u sheegay warfidiyeenada magaalada Dimishiq in heshiiska amnigu yahay “lagama maarmaan,” iyadoo shardi laga dhigayo in la ixtiraamo hawada Suuriya iyo madax banaanideeda dhuleed, isla markaana ay kormeerto Qaramada Midoobay, si waafaqsan sharciga.

Al-Sharaa wuxuu sheegay in Suuriya iyo Israel ay “afar ilaa shan maalmood” ay wadeen wadahadallo si ay gaaraan saldhigga heshiis amni bishii Juulay, laakiin dhacdooyinkiii ka dhacay gobolka koonfureed ee Sweida ayaa carqaladeeyay wadahadaladaas.

Suuriya iyo Israel ayaa hadda wada hadallo ku jira si ay u gaaraan heshiis ay Dimishiq ka rajaynayso inuu xaqiijiyo joojinta duqeymaha cirka ee Israel iyo ka bixitaanka ciidamada Israel ee dhulka koonfurta Suuriya.

WARARKII KALE

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay...

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles